Askarigaan oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed ayaa ka soogoostay ciidanka maamulka la baxay Koonfur-galbeed ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka S-hoose.
Waxa uu tilmaamay in ay ciidanka uu katirsanaa ay tababartay Dowladda Xabashida Itoobiya, uuna ka tirsanaa in muddo ah, waxa uuna dhanka kale ka sheekeeyey dhinacyo badan oo ku saabsan dhibaatooyinka ay bulshada ugeysan jireen, iyo kuwa ay iyagu la kulmi jireen.
Waxaa uu la soo goostay qori AK47 ah, kana warbixiyay farqiga u dhexeeya sida uu ahaan iyo waxa uu hadda dareemayo, isagoo baaq udiray askarta weli ku harsan safka Shisheeyaha.