Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saacadihii lasoo dhaafay uu askari katirsan Dowladda Fedaraalka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ugu geystay, wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa darawallada ku shaqeysta Mooto Bajaajta ee ka howlgala magaaladaas.
Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabaa C/rashiid Maxamed Maxamuud, waxaana dilkiisa uu yimid kadib markii askariga oo isagana saarnaa mooto kale uu ku wargaliyay inuusan wadada marin oo uu ka haro, muran dheer kadibna xabbad ayuu madaxa kaga dhuftay.