Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya, in askari katirsan Dowladda Fedaraalka uu weerar ku qaaday dad Itoobiyaan ah oo ku sugnaa magaaladaas.
Itoobiyaanka weerarka lagu qaaday ayaa ku sugnaa garaash ku yaalla degmada Guriceel, halkaas oo ay ka uruurin jireen biraha gaadiidka, iyagoona udhoofin jiray dalkooda.
Toogashada uu geystay askariga ayaa waxaa ku dhintay 2 kamid ah dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugnaa garaasha, intaas kadibna waxaa goobta isaga baxsaday askarigii weerarka geystay.