Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa muddo 15 sano ah ku xukuntay, askari kamid ah Ilaalada qaranka Mareykanka oo uu lagu helay inuu faafiyay, dukumiintiyo sir ah oo ugaar ah wasaaradda Difaaca Mareykanka, islamarkaana la sheegay iney ku saabsanayeen dagaalka Ukraine.
Askarigan ayaa ku takhasusay Teknolajiyadda, wuxuuna gacanta ku hayay xogta ciidamada cirka Mareykanka ee ku sugan gobolka Maasaadshoostis.
Xogta ayuu askrigu ku faafiyay bar intarnet-ka ku jira oo lagu magacaabo Discord, kadib waxay macluumaadkii kusii faafeen baraha Bulshada, sidaasi ayaana loog warhelay.
Waxaa lagu eedeeyay askarigan lixkiis oo ay kamid yihiin inuu si bareer ah ufaafiyay macluumaadka dowaldda Mareykanka, iyo mid kamid ah qadiyadaha amniga qaran Mareykanka ee uu ilaashanyay sanadihii udambeeyay.
Bishii afaraad ee sanadkii 2023-kii ayaa askarigan gacanta lagu dhigay, wuxuuna qirtay kiisaska lagu soo eedeeyay bishii sedaxaad ee sanadkan 2024-ka, Talaadadii dhaweyd ayuuna ku dhacay xukunka 15-sano ah, isagoo xiran dharka maxaabiista ayuuna kasoo hor-muuqaday maxkamadda.