Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro qaraxyo ah oo saacadihii lasoo dhaafay deegaanno kala duwan oo katirsan gobalka Sh-hoose lagula beegsaday, ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka.
Haddaan ku qoreyno qaraxyada maanta ka dhacay gobalka ee lagu naafeeyay ciidamada Uganda, waxaa kolonyo katirsan askarta Uganda qarax lagula beegsaday degaan katirsan Sh-hoose dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 10 askari.
Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Lambar 60 oo katirsan Sh-hoose, waxaana inta la xaqiijiyay dhimasho iyo dhaawac ku noqday 6 askari oo katirsan Shisheeyaha Uganda.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaar ahaan guutada madaafiicda, waxa ay maanta tiro madaafiic ah ku asqeeyeen xero ay ku sugnaayeen askarta Uganda.
Madaafiicda ayaa lagu garaacay xerada ciidanka Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buur-colow oo hoostaga degmada Baraawe ee gobalka Sh-hoose, waxaana lasoo warinayaa iney gudaha ugaleen xerada.
Geesta kale tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo maalin kahor ciidamada Uganda lagula beegsaday, deegaanka Laanta-buuro ee isla gobalka Sh-hoose.
Waxaa qaraxaasi askarta Uganda looga gubay gaari Taaw ah oo qeyb ka ahaa kolonyada, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 askari.
Gobalka Sh-hoose waxa uu kamid ah goballada ay ka dhacaan weerarada ugu badan ee ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana ciidamada Shisheeye ee Uganda mar waliba oo ay isku dayaan iney ku safraan qeybo kamid ah gobalka ay la kulmaan, weeraro toos ah iyo silsilado qaraxyo ah oo geysta khasaarooyin naf iyo maalba leh.