Ciidamada Xarakada Mujaajidiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax ku weeraray, mid kamid ah koontaroollada laga ilaaliyo xarumaha muhiimka ah ee maamulka la baxay Jubbaland kuna yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaas.
Ciidamo Kenyan ah oo ku sugnaa koontaroolka ayaa waxaa qaraxaasi lagaga dilay 3 askari, halka looga dhacay 2 kale.
Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa Shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka, waxaana gobalka Jubada-hoose ay had iyo jeer ku marti galiyaan weeraro culus oo uga yimaada dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.