Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Al-Qaahira ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3 askari oo katirsan dowladda dalkaasi ay ku dhinteen qarax ka dhacay Masar.
Qaraxa oo ka dhashay gaas ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay akadeemiyad ay leeyihiin ciidanka Boliska ee Masar, waxaana askarta ku dhimatay ku jira sarkaal Bolis.
Qaraxa oo dhacay maalintii shalay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 3 askari oo katirsan ciidanka Boliska ee xukuunadda Masar.
Waxa ay Al-Qaahira sheegtay iney wado baaritaaanno ku aaddan waxyaabaha sababay qaraxaan, waxaana marar badan sidaan oo kale dalkaan uga dhacay qaraaxyo nuucaan ah.