Thursday, January 9, 2025
HomeAll NewsAskar Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Wiil Dhalinyaro ah ku Dilay Muqdisho.

Askar Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Wiil Dhalinyaro ah ku Dilay Muqdisho.

Mar kale waxaa magaalada Muqisho ka dhacay dil ay askarta Dowladda Fedaraalka ugeysteen wiil dhalinyaro ah oo ay rabeen iney dhac ugeystaan.

Askar hubeysan ayaa waxa ay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ku dileen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdi Daahir Cabdulle oo kamid ahaa dhalinyarada degmadaas.

Askarta ayaa waxa ay Cabdi ka qaateen mobile uu watay, iyagoo intaa kadib ku wargaliyay inuu loogga ka bixiyo kadibna ay EVC-ga lacag uga tuurtaan, balse waa uu ka biyo diiday arrintaas, taas oo sababtay iney xabbad madaxa kaga dhuftaan,

Cabdi Daahir ayaa durbaba goobta ku dhacay, waxaana dilka kadib ay askartu dhac ugeysteen wiil kale oo dhalinyaro ah oo la socday kan ay dileen, kaas oo ay ka qaateen Mobile-kiisa kana shubteen lacagtii ugu jirtay.

Dilka iyo dhaca kadib waxaa goobta isaga baxsaday askartii falka geystay, waxaana muddo kadib halkaasi laga qaaday meydka wiilka dhalinyarada ah ee ay dileen.

Dilka Cabdi Daahir ayaa kusoo aadaya, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay uu askari katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka uu wiil dhalinyaro 15 jir ah si bareer ah ugu dilay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, askarta ayaana dhaqan ka dhigtay daadinta dhiigga dadka shacabka ah.

Halkaan ka Degso Warka Dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments