Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaami Wal-muslimiin oo ka Dagaallama wadamada saxaraha iyo Saaxilka Afrika, ayaa fuliayay howlgallo kala duwan oo ay ku beegsadeen ciidanka dowladda Burkiina-Faaso.
Mid kamid ah howgalladan wuxuu ahaa weerar ay isku difaaceysay oo ay kaga hor tagtay askar kamid ah xukuumadda Burkiina-Faaso oo duulaan kusoo ahaa, wuxuuna ka dhacay duleedka madqiad katirsan wilaayada Diidooqoo.
Weerarkaasi waxaa ciidanka Burkiina Faaso kasoo gaaray khasaare nafeed inta la ogyahay, waxayna goobta uga career qaar kamid ah hubkii ay wateen.
Kadib markii uu Weerarkaasi dhacay Mujaahidiintu fadhigooda kumey sugin in mar kale weerar lagu soo qaado’e waxay iyaguna dagaal ku qaadeen xarun ciidanka Burkiina-Faaso uu ku leeyahay madiqadda Raambaa, waxayna halkaasi askarta dowladda Burkiina-Faaso kasoo gaaray khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed intaba.
2 askari ayaa laga dilay, halka laga furtay hub iyo agabyo kale.
Sidaasi si lamid ah waxay Mujaahidiinta Nusratul-Islaam kamiin ay dhigteen kusoo dhacay, kolonyo katirsan malleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha ah ee Fagner, waxaan qarax lala beegsaday mid kamid ah gawaaridii murtazaqada Ruushku dhistay ay wateen.
Marka laga soo tago weeraradaasi kala duwan oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay, waxay Maalintii shalay labo deegaan kala wareegeen ciidamada Burkiina-Faaso, waxayna deegaannadan katirsan yihiin wilaayada Kaayaa.