Dagaallo xooggan oo lagu jabiyay ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka, ayaa maanta ka dhacay duleedyada magaalooyinka Baladwayne iyo Buula-Burte ee gobolka Hiiraan.
Dhowr jeer ayaa dagaallada lagu jabiyay askarta Dowladda Fedaraalka, waxaana laga dilay askar halka laga dhaawacay mid kale.
Haddii aan ku hor marno dhinaca Baladwayne, hardan udhaxeeyay ciidamo katirsan Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askarta Dowladda Fedaraalka, ayaa galabta ka dhacay, tuulo lagu magacaabo Habar-dero oo ku taalla afaafka hore ee magaaladaasi, waxaana Dowladda Fedaraalka looga dilay 2 askari, hardankana waa ay ku jabeen.
Dhanka Buulo-Barde, tiro dhowr jeer ah ayey maanta dagaallo ka dhaceen duleedka magaaladaasi, waxaana looga taag roonaaday ciidankii Dowladda Fedaraalka, iyadoo laga dhaawacay 1 askari oo magaciisa lagu sheegay Kulmiye Faragab.
Isku dayadii ay maanta sameeyeen ciidanka Dowladda Fedaraalka ee dhanka dagaallada ayaa gebigooda kusoo dhamaaday fashil iyo khasaare dhabarka loo saaray, iyagoo dhimasho iyo dhaawac wata ayey goobta isaga carareen.