Tuesday, January 7, 2025
HomeAll NewsAs-Siisi iyo Museveni oo Kawada Hadlay Xaaladda Dalalka Afrika oo ay Soomaaliya...

As-Siisi iyo Museveni oo Kawada Hadlay Xaaladda Dalalka Afrika oo ay Soomaaliya & Suudaan Kamid Yihiin.

Hogaamiyaha afgembiga dalka Masar ninka lagu magacaabo Cabdil Fataax As-Siisi iyo madaxweynaha dalka Uganda Museveni, ayaa kuwada hadlay khadka teleefanka, iyagoo ka sheekeystay xaaladaha la xiriira mandiqadda geeska Afrika iyo taxadiyaadka heysta duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa tilmaamay iney muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, taasoo ay sheegeen in looga gudbi karo caqabadaha weli ku horgudban xaqiijinta ahdaafta uu lahaa duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, oo ay ugu horeyso in la burburiyo maamullada Wilaayaadka Islaamiga ee lagu maamulo Shareecada Islaamka.

Sida lagu sheegay war warbaahinta labada dal ay baahiyeen kadib wada hadalka dhexmaray Siisi iyo Museveni, waxay labada dhinac isla adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, si loo taageero baa la yiri Dowladda Federaalka.

Waxa uu dhanka kale Cabdil Fataax As-Siisi ka hadlay dagaalka Suudaan, isagoo tilmaamay in dowladiisu ay ka shaqeyneyso sidii xabad joojin waarta looga gaari lahaa colaadda Suudaan, gargaarka loogu talogalay dadka dhibaateysanna si fudud loo gaarsiin lahaa dadka mudan.

Xiriirka teleefan ee dhexmaray madaxweynayaasha Masar iyo Suudaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo duullaanka Shisheeyaha ee Soomalaiya magaca loo bedeley, rajadii Masar lahayd ee ah in Itoobiya laga fogeeyo siyaasadda Soomaaliyana ay fashilantay, oo uu hadda Xasan Sheekh Maxmuud ugu dambeyntii sheegay in ciidamada Itoobiya ay sii wadi doonaan duullaanka Soomaaliya.

Halkaan ka Degso Warka Uganda iyo Masar

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments