Habeenkii xalay si gaar ah intii u dhexeysay salaadaha Maqribka iyo Ceshaha, waxaa hawada magaalada Mooyaale iyo deegaanno katirsan Gobalka Liibaan ee dhulka Soomaali-galbeedl lagu arkay arrin mucjiso ah.
Dadka ayaa waxa ay mar qura hawada ku arkeen olal iyo dab socda, taas oo walwal ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaannadaas.
Muuqaallo laga soo duubay ololka ayaa muujinaya, dabka oo dul maraya magaalada Mooyaale, mid kamid ah dadka deegaanka ayaana ka warbixiyay xaaladda ay xalay la kulmeen.COD
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay illaa iyo iminka qeybo kamid ah dalka Itoobiya ay ka taagan yihiin, foolkaanooyin ka qarxay halkaas, taas oo sababtay barakaca kumannaan ruux oo Itoobiyaan ah.