Sunday, November 17, 2024
HomeUncategorizedAntony Blinken oo Khadka Taleefanka Kula Hadlay Abiy Axmed.

Antony Blinken oo Khadka Taleefanka Kula Hadlay Abiy Axmed.

Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa khadka teleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Blinken ayaa walaac ka muujiyay colaadda ka socota gobolka Amhara, isagoo soo jeediyay in la adkeeyo heshiiskii TPLF iyo Xukuumadda Adis Ababa hora udhexmaray.

Dhinaca kale dhaxsugaha xukuumadda Imaaraadka Carabta  ayaa booqasho ku tegay dalka Itoobiya.

Khaalid bin Muxamad bin Zayed, oo ah dhaxalsugaha Imaaraatka Carabta, ayaa degau garoonka diyaaradaha eek u yaalla magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, wuxuuna la kulmay ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed.

Dhaxusugahan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la sheegay iney halkaasi uga qeybgeliayaan, shir caalami ah oo looga hadlayo Gaajada ka jirta Aduunka iyo sida looga bixikaro.

Imaaraatka ayaa Itoobiya ku taageereysa damaceeda la xiriira qabsashada badda Soomaaliya, waxayna labada dowladooda leeyihiin xiriir dhow.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments