Malleeshiyaadka loogu yeero Xizaamul-Amni ee ay dhisatay xukuumadda Imaaraadka Carabta, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay la kulmayeen weeraro kala duwan oo uga imaanayay Mujaahidiinta Jaziiratul-Carab.
Weeraradan ayaa lagu gaarsiiyay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira kuwa nafeed iyo mid maaliyadeed intaba.
Halka ay weerarada uga badan ka dhacayaan gobollada Abyan, iyo Shabwah ee wadankaasi Yaman.
Dhawaan weerar loo adeegaday Drone ayey Mujaahidiinta Ansaar Ash-Shareecah ku qaadeen, saldhig lag hago diyaarada Drones-ka oo ay leeyihiin Malleeshiyaadka Imaaraadka.
Markii aan u imaano gobolka Abyan, gaar ahaan mandiqadda Muudiyyah, gaari ay saarnaayeen malleeshiyaadka isku magacaabo Xizaamul Amni ayaa waxaa qarax lagula beegsaday halkaasi, waxaan ku dhaawacmay qaar kamid ah malleeshiyaadii saarneyd gaariga oo ay miino haleeshay.
Sido kale Mujaahidiinta Jaziiratul-Carab waxay diyaarad Drone ah oo ay leeyihiin malleeshiyaadkan ku soo xireen gobolka Shabwah.