Mujaahidiinta Jaziiratul-Carab ee ka dagaallama Wadanka Yaman, ayaa weeraro kala duwan ku qaaday fariisimo ay gudah dalkaasi ku leeyihiin calooshood ushaqeysatayaasha Imaaraadka ee loo shaqaan Xizaam-Al-Amni.
Howlgallada lala beegsaday malleeshiyadan ayaa ka kala dhacay gobollada Shabwah iyo Abyan, mid kamid ah howgalladan oo ah shiish lagu qaaday saldhig ay malleeshiyadan ku leeyihiin mandiqadda Al-Buqeyra ee dhacda gobolka Abyan, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.
Weerarka labaad ayaa ahaa mid dhanka cirka ah oo loo adeegsaday diyaarad Drone ay leeyihiin Mujaahidiinta Jaziiratul-Carab, waxaa lagu beegsaday gaari ku dhexjiray xero ay murtazaqada Imaaraadka Yaman ku leeyihiin gobolka Shabwah.
Mujaahidiinta Ansaar Ash-Shariica ayaa sii xoojiyay weerarada ay la beeegsanayaan malleeshiyadan, maadaama ay dhibaato aan kala joogsi lahayn ku hayaan Muslimiinta Yaman.