Degmada Qoryooley oo kamid ah degmooyinka gobalka Sh-hoose, waxaa laga soo sheegayaa amni darro baahsan iyo xaalado nololeed oo ay wajahayaan dadka ku dhaqan degmadaas.
Amni darrada oo ay sababeen ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa saameyn xooggan waxa ay ku yeelatay dadka ku dhaqan degmada, waxaana askartu ay dhac iyo dil ku hayaan dadka rayidka ah.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa haddana lasoo sheegayaa in biyo la’aan iyo caafimaad darro ay ka jirto degmada, sida uu sheegay Maxamed Xaaji Shigshigow oo ah gudoomiyaha degmada Qoryooley.