Weerarkan dhanka cirka ah oo ay maalintii shalay fuliyeen Mujaahidiinta Jaziiratul-Carab, ayey ku qaadeen xerooyin ay murtazqada Imaaraat-ku ku leeyihiin, mandiqadda Al-Buqeyra ee dhacda gobolka Abyan oo katirsan dalka Yaman.
Hawlgallada ay qaadeen Mujaahidiinta oo labo weerar ah, ayaa waxaa ka dhashay khasaare hantiyeed oo soo gaaray malleeshiyada la beegsaday, muqaal kooban oo ay baahiyeen Ansaar-Ash-Shariica ayaa lagu arkayaa, labadan weerar iyo sida ay udhaceen.
Gentaallada ay tuureyso Drone-ta Mujaahidiinta, ayaa ku si toos ah ugu dhacaya xerooyinka malleeshiyada la baxay Xizaam Al-Amni.
Mid kamid ah gentaallada ayaana lala beegsanayaa gaari dhex yiilay mid kamid ah saldhigyada la beegsaday, halka mid kalena uu ku dhacayo gudaha xero ay degan yihiin mutazaqadan, durbana markii uu gentaalku soo dhaco, goobta ayey isaga cararayaan.