Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab, ayaa lagu bogaadiyay howlgalka loogu magacdaray Radcul CUdwaan ee ka socda dhulka Shaam, kaasoo kacdoon wadayaasha Suuriya maalmo gudahood ay kula wareegeen magaalooyin ballaaran.
Bayaanka kasoo baxay AlQaacidada Jaziiratul Carab ayaa ciwaan looga dhigay “ Bogaadin iyo hambalyo la xiriirta howlgalka Radcul Cudwaan ee ka socda Shaamteenna aan jecelnahay” waxaana si kal iyo laab ah loogu bogaadiyay Muslimiinta Shaam ee markale cusbooneysiiyay kacdoonkooda ka dhanka ah Nuseyriyada.
“ Waan ku faraxnay si lamid ah sidaba Muslimiintu ugu farxeen guushana weyn, ee uu Allaah ku galladeystay walaalaheena iyo ehelkeena Suuriya, kuwaasoo guulo waaweyn kasoo hooyay dagaalka ka dhanka ah cadowga Allaah ee Nuseyriyada iyo Rawaafidda, Allena wuxuu ku shaafiyay quluubta Mu’miniinta markii ay arkeen cadowga Allaah ee jooga Shaam oo noqday wax la dilo, wax la qabto iyo kuwa carara” ayaa lagu yiri bayaanka bogaadinta iyo hambalyada ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.
Waxaa si gaar ah bayaanka loogu xusay in Mujaahidiinta AlQaacida ee Jaziiratul Carab ay aad u farxad gelisay, soo furashada maxaabiis muslimiin ah oo haween u badnaa, kuwaasoo ku xirnaa xabsiyada Nuseyriyada ee magaalada Xalab, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Suuriya.
“ Waxaan hambalyo leenahay guud ahaan Muslimiinta caalamka gaar ahaan walaalaheena Shaam, dhibanayaasha, agoomaha, garoobada iyo kuwa gablamay, iyo cid weliba oo ay dhibaato kasoo gaartay Nidaamka Nuseyriga ee mujrimka ah” ayaa lasii raaciyay bayaanka AlQaacidada Jaziiratul Carab ee lagu bogaadiyay howlgalka Kacdoon wadayaasha Suuriya ee loogu magacdaray Radcul Cudwaan.
“ Dagaalka lagu doonayo in umadda looga dulqaado dulmiga Rawaafidda iyo Nuseyriyada, waa dagaal xaq ah, muslimiintana waajib uga dhigaya iney ku midoobaan kalimadda Towxiidka hoosteeda, hal saf ahna noqdaan, iyagoo u hogaansamaya amarka Allaah ee dhigaya midnimada.
Midnimadaas ayaa lagu gaari karaa in la iska caabiyo dulmiga cadowga, taariikhda mucaasirku waxay diiwaan gelisay in nidaamka Nuseyriyada iyo xulafadiisa Rawaafidda iyo Ruushka, ay Yahuudda kala qeyb qaadanayaan masaa’ibta heysata Muslimiinta” ayaa lagu yiri bayaanka AlQaacidada Jaziiratul Carab.
Bayaanka waxaa lagu xusay in jaraa’imta ay Nuseyriyadu u geysteen Muslimiinta Shaam ay ka badantahay gaboodfallada Yahuuddu u geysanayaan walaalaheena reer Filastiin.
Marka laga soo tago bogaadinta Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ee howlgalka Radcul Cudwaan, waxaa kaga sii horeeyay Imaarada Islaamiga Afqaansitaan.
Dabiixullaahil Mujaahid oo kamid ah masuuliyiinta Imaarada Islaamiga, ayaa qoraal uu soo dhigay wuxuu ku sheegay in Imaarada Islaamiga ay muslimiinta Shaam ugu hambalyeyneyso guusha ay xaqiijiyeen, guusha reer Shaamna ay tahay guusha reer Afqaanistaan.