Friday, December 27, 2024
HomeWarka GudahaAl-Kataa’ib oo Baahisay Qeybta 03-aad Tixanaha “Geedigii Gurguurte…Guul Mise Gebidhacleyn”.

Al-Kataa’ib oo Baahisay Qeybta 03-aad Tixanaha “Geedigii Gurguurte…Guul Mise Gebidhacleyn”.

Waa xalqada 03-aad ee taxanaha loogu magacdaray “Geeddigii Gurguurte, Guul mise Gebidhacleyn” kaas oo ay mu’assasada warbaahineed ee Al-Kataa’ib kusoo gudbineyso, halka uu ku dambeeyay duullaankii uu Xasan Sheekh 2 sano kahor kusoo qaaday Wilaayaadka Islaamiga ah ee lagu maamumo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Qeybtaan oo la daawan karo qadar 58 daqiiqo ah ayaa waxa ay Al-Kata’ib kusoo bandhigeysaa, kadib weeraradii Galcad iyo Cowsweyne tiirka uu miciinbaday Xasan Sheekh, ee uu doonayay inuu ku samatobaxo, balse la dumay.

Weeraradaas malaaximta ah kadib iyo jabkii ay ciidamadu kasoo qaadeen furimaha dagaalka, waxa uu Xasan Sheekh wajiga labaad ee duullaanka ku tashanayay awoodda Dowladaha Shisheeye ee Afrikaanta ah, waxaana ay magaalada Muqdisho ku casuumeen madaxda wadamada loogu yeero safka hore, iyadoo gacmo hoorse kadib aan waxba laga soo qaadin dalabkooda.

Muddo ay maaweeladaas ku jireen kadib iyo buunbuuninta xamlada Black Lion, waxa uu markale Xasan Sheekh ku hungoobay rajadii uu ka lahaa inuu helo 30,000 oo ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaas oo uu doonayay inuu ukaadasho dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasna socon weysay, oo waxaa asbaabaha fashilkeeda kamid ahaa saraakiisha Itoobiyaanka ah ku qeexeen iney isku soo beegmeen, go’aankii lagu dhimayay ciidanka ATMIS iyo dalabka Xasan Sheekh.

Iska daa iney Shisheeyuhu Dolwadda Fedaraalka wax taraane, waxay iyaga qudhoodu wajahayeen weeraro cagmarin ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo afjareen, xero ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa Uganda, lagu daray weerarada kamaa’inka iyo qaraxyada isugu jira ee ciidanka Kenya lagula beegsanayay gudaha dalkooda iyo dhulalka Muslimiinta ee ay xoogga ku heystaan.

Markii uu dhaawacu ka tan badiyay, jab xoogganna iyo guul darooyin qaraarna uu Xasan ka soo hooyay furimaha dagaalka, waxa uu billaabay in si ka duwan hadalladii qabweynada ku dheehneed ee uu ciidankaa ka horjeedin jiray uu iminka u badalo kuwa quus ah, isagoo si cad usheegaya in haddii ay furimaha ka cararaan aysan amaan ku heli doonin Muqdisho oo ay horraanba amni ugu heysanin.

Marka laga yimaado dhiig baxa daran ee Dowladda Fedaraalka ku qabsaday goballada dalka si gaar ah kuwa dhexe, waxay dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sii kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho ee ay ku beegsanayaan xarumaha muhiimka ah ee Dowladda Fedaraalka.

Arrimaha walaaca iyo argagaxa ku beeray xubanaha Dowladda Fedaalka iyo madaxdeeda intii ay socdeen weerarada lagu beegsanayo xarumaha muhiimka ah ee Muqdisho waxaa kamid ah, in qaar kamid ah ragga fulinaya howlgalladaas ay iyagoo bad qaba dib usoo laabteen, sheegayna iney iney uyihiin ka qeyb galka holwgallo hor leh.

Weeraradii Hotel Xayaat, kii Villa Rose, xoog ku galkii Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, Weerarkii Taliska lagu Dabiibay Macawiisleyda Hiiraan, Bearl Beach, Hotel SYL iyo weerarkii saraakiisha Imaaraatka ee horboodayay duullaanka ay dowladdaasi ka wado Yeman iyo Soomaaliya, ayaa iyagana ahaa kuwa qamuunyo iyo murug horleh u horseeday Dowladda Fedaraalka, Xasan Sheekh ayaana aad uga walaacay weerarkii lagu beegsaday Saraakiisha Imaaraatka.

Camaliyaadka Nafhurnimada ah, weerarada inqimaasi ah iyo howlgallada madax jabinta ah ee Muqdisho, waxaa barbar socday weeraro toos ah iyo kuwa cagmarin oo ay marti galisay caasimadda, taas cabsi horleh u kordhisay Dowladda Fedaraalka.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay, madaxda Dowladda Fedaraalka ayaa afkii juuqdi gabay, iyadoo laga soo firxaday furimihii dagaalka, Muqdishana aan hurdo lagu ladin, waxaa iyana arrinta yaabka leh ay aheyd filmkana lagu soo bandhigay, in maamul gobaleedyada qaar ay go’doon ku noqdeen magaala madaxada xarunta u ah, oo ay dhinacna uga dhaqaaqi karin, casbi ay ka qabaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaaba awgeed.

Sida ku xusan filimka cusub, fashilka guuldarrada gulufkii Xasan Sheekh ee uu kusoo qaaday wilaayaadka Islaamiga ah, waxaa kaalin mooqata iyo door aan qarsooneen ka qaatay qabaa’ilka ansaarta ah, kuwaas oo rag iyo dumar, da’yar iyo duqeyba aan ukala harin in ay halganka ka qeyb qaataan.

Kaalintaas muuqata waxaa iyana walaac xooggan ka muujiyay madaxda Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo si cad u sheegay in shacabka oo idil ay garab uyihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ciidanka Dowladda Fedaraalka ay gaalo ka aaminsan yihiin.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo qabaa’ilka Ansaarta ah oo dhabarka ka jabiyay xamaladii lagu soo qaaday wilaayaadka Islaamiga ah kadib, waxa ay madaxda Dowladda Fedaraalka yaqiinsadeen iney ku fashilmeen xaqiijinta hadafkoofa.

Waxa ay billaabeen iney si cad fagaarayaasha uga sheegaan iney galeen dagaal aan kooda aheyn, walwal xoogganna ay ka qabaan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidankooda, islamarkaana la waayay saraakiishii hogaamin laheed dagaalka, maadaama kuwii laf dhabarta u ahaa xamlada ay ku le’deen weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Marka laga yimaado guul darooyinkii millatari ee uu la kulmay Xasan Sheekh, side ayuu ula fal galay mashaakilkii kala duwanaaa ee soo maray dalka, sida abaaraha iyo fatahaadihii ku dhuftay dalka mudada uu xilka hayo? Xalqada xigta ayay kusoo gudbin doontaa Mu’assasada Warbaahineed ee Al-Kataa’ib.

Halkan ka Degsi Warbixinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments