Waa qeybta labaad taxanaha cusub ee loogu magacdaray “ Geeddigii Gurguurte, Guul mise Gebidhacleyn” oo ay mu’assasada warbaahineed ee Al-Kataa’ib ku falanqeyso halka uu ku dambeeyay dagaalkii uu Xasan Sheekh Maxmuud ku dhawaaqay, kuna sheegay in Soomaaliya kaga ciribtirayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu filimku soo bandhigayaa billowgii guluf dagaaleedka lagu soo qaaday wilaayaadka Islaamiga oo ahaa Agosto 2022-ka, xilligaas oo horjoogayaasha ciidamada iyo madaxda Dowladda Federaalka ay ballanqaadayaann, in mudo kooban dalka ay uga tirtirayaan Wilayaaadka Islaamiga.
Kumanaan askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka iyo malleeshiyaadka Macwiilsleyda, oo ay dusha sare ka taageerayaan diyaaradaha Maraykanka iyo Turkiga, ayaa la keenay deegaanno katirsan wilaayaadka Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Waxaa dhinac kale duullaanka barbar socday olole warbaahineed xoogan, kaasoo lagu qarash gareeyey malaayiin dollar, ujeedka laga leeyahana wuxuu ahaa in lagu gudbiyo muuqaal ka duwan xaqiiqda, inta damiir diineed xambaarsanna lagu niyad jebiyo.
Laakiin todobaadyo kadib wax weliba way isbedeleen, kadib markii xeryihii ay degeen askarta Dowladda Federaalka u daateen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-SHabaab.
Cadokibir, Ceelqoxle, Yasooman, Beerayabaal, Qaayib oo labo jeer ah, Burdaar, Nuurdugle, Hilowlegaab, Xawaadley, Duduncad, iyo Galcad ayaa marti geliyay, weeraro wawaeyn oo dhabarka loogu jeebiyay ciidamada Dowladda Federaalka, filimka ayaana soo bandhigaya wax kamid ah sida ay dagaalladaasi u dhaceen iyo natiijooyinkii ka dhashey.
Marka laga yimaado boqollaalka askari ee lagu dilay dagaalladan, waxay Dowladda Federaalka iyo Maraykanku waayeen muda saddex bilood ah saraakiishii laf-dhabarta u ahaa duullaanka ka dhanka ah wilaayaadka Islaamiga.
Xasan Tuurre, Abshir Shataqey, Farxaan Qaroole, Cabdicasiis Danab, Xasan Indhool, Jamaal Axmed iyo Cilmi-Hagar, ayaa kamid noqday tobanaan saraakiil iyo horjoogayaal ah oo ku baxay weerarada ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Maadaama uu fashilmay gulufkii dagaalka, sidii la rabayna ay wax noqon waayeen, wuxuu Xasan Sheekh Maxmuud warbaahinta la horyimid hadal ay dad badani ku tilmaameen wax lagu maadeysto, kaasoo ahaa iney billaabayaan wejiga labaad ee dagaalka, halka horaan aaney sheegin in gulufkooda uu wejiyo leeyahay.
Wuxuu saldhigtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo markale la isugu geeyay ciidamo la isku soo uruuriyay, ujeedkuna wuxuu markan ahaa in Ceelbuur iyo Galhareeri gacanta lagu dhigo, maamulka Islaamigana lagu bedelo mid dimuqraadi ah.
Laakiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo qabaa’ilka anasaarta ah ee dega Galgaduud ayaa qaaday silsilado weeraro ah, oo markale dhabarka loogu jebiyay ciidamada Dowladda Federaalka.
Ceelbacad, Daarunicma, Ruunirgood, Budbud, Masagawaa, Barujeed, Cowsweyne, Ceelqoxle iyo meelo kale ayaa marti geliyay weeraro lagu dilay boqollaal askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka.
Weerarkii Cosweyne ayaa ahaa midka dhabarka ka jebiyay wejiga labaad ee guluf dagaalkeedka uu Xasan Sheekh kusoo qaaday Wilaayaadka Islaamiga, ciidamadii dowladana waxay noqdeen mid la dilo, mid baxsada iyo mid geeri suge ah.
Si ka duwan malihii uu Xasan Sheekh qabay iyo rajadii uu naawilayay, waxay xeryaha ciidamada Dowladda Federaalka isku bedeleen dekado dur-dur ah oo ay gaadiid dagaal iyo saanado hub ah ay kasoo daabushaan Mujaahidiinta, sidaba uu sheegayo Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Hadaba Jabkii Galcad iyo Cowsweyne kadib, waa maxay tiirka uu miciinbaday Xasan Sheekh Maxmuud, ee uu doonayay inuu ku samatobaxo, balse la dumay? Waxay mu’assaada Al-Kataa’ib ku falanqeysaa xalqada saddexaad ee taxanaha “ Geeddigii Gurguurte, Guul mise Gebidhacleyn”.
Halkaan ka Degso Warbixin Decumentry- Geeddigii Gurguurte- 02