“Geedigii Gurguurte…Guul mise gebidhacleyn” oo ah taxane looga hadlayo gulufkii uu 2 sano kahor Xasan Sheekh, Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka uu kusoo qaaday wilaayaadka Islaamiga ah iyo natiijada ka dhalatay, ayay Mu’assasada Warbaahineed ee Al-Kataa’ib baahisay qeybtii 04-aad ee taxanahaas.
Xalqadaan waxa ay Al-Kataa’ib kusoo bandhigeysaa kadib guuldarradii millatari ee uu Xasan Sheekh kasoo dhaxlay furimaha dagaalka, qaabka uu ula fal galay mashaakilkii soo foodsaaray dowladdiisa iyo sidoo kale dhibaatooyinkii soo wajahay wadanka sida abaarihii kol hore.
Xasan ayaa xilka qabtay iyadoo dalka Soomaaliya uu wajahayo abaar daran, saasoo ay tahayna, iska daa inuu gurmad dadka usameeyo’e waxa uu dalka iyo dadkii tabaaleysnaa galiyay dagaal iyo colaad ba’an, waxaana falanqeeyayaal kasoo muuqday filimka ay sheegeen, in Shisheeyaha soo dagaal galiyay Xasan ay iska dhinto tireen rubuc mulyuun ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ay abaartu dileysay, taas badalkeedana door bideen iney duullaan kusoo qaadaan shacabka Soomaaliyeed.
Dadka rayidka ah ayaa noqday dhibanayaasha ugu horreeya ee gurta miraha qaraar ee gulufka Xasan Sheekh, waxaana abaarihii iyo dhibaatadii heysatay ugu darsantay duqeymo wuxuushnimo ah oo ay fulinayeen diyaaradaha Mareykanka iyo Turkiga ee ogolaanshaha ka helayay Dowladda Fedaraalka.
Muuqaalka ayaad ku daawan kartaa raadadka iyo dhibaatada ay geysteen duqeymaha wuxuushnimada leh ee ay Shisheeyuhu ka geysteen dalka, iyadoo aad arkeyso caruur yaryar oo lagu dilay duqeymaha aan indhaha laheyn ee ay geysteen Mareykanka iyo Turkiga.
Iyadoo ay taasi jirto, ayuu Xasan Sheekh isagoo doonaya inuu iska leexiyo carada dadka sheegay inuu utuugsi tagay Dowladaha Shisheeye, waxaana waji gabax aan la suureysan karin uu kala kulmay Dowladda Uganda, baadariga dalkaasi maamula ee Yuweri Musaveni ayaa Xasan usheegay ineysan waxba u heynin, uuna udawarsi tago Imaaraatka iyo Qadar.
Xasan Sheekh ayaa markii uu dalka kusoo laabtay waxa uu sheegay, inuu soo helay ballan-qaadyo lacago lagu siinayo Dowladdiisa oo ay Shisheeyuhu bixiyeen, balse taasi ayaa aheyd mid xaqiiqada ka fog, sidaba ay cadeeyeen masuuliyiin katirsan Dowladda Fedaraalka.
Masuqmaasuqa oo astaan u ah Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha uu tooshku ku ifinayo muuqaalka Al-Kata’ib, isagoo soo bandhigaya heerka wax isdaba marineed ee la degay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh, arrinta la yaabka leh ayaana ah, in Xasan shuruudaha uu xilka ku bixinayay ay kamid aheyd in qofku uu caayo wixi kasoo horjeedo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Xasan Sheekh oo kaliya kuma koobna musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, balse waxa ay gashay laan waliba oo katirsan Dowladda Fedaraalka, madaxda, wasiirrada iyo xildhibaannada ayaadna arkeysaa, iyagoo si cad warbaahinta horteeda ugu faanaya musuqmaasuqa ay sameynayaan.
Arrinta kale ee uu Xasan ku kacay intii laga sugayay wax uqabashada dadka tabaaleysan, waa xaraashka kheyraadka umadda Soomaaliyeed, dhulboobka iyo barakicinta xad dhaafka ah ee uu ku hayo bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Waxa uu hishiisyo tiro beel ah la galay dowlado kala duwaan oo Shisheeye, kuwaas oo halis ku ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed, Xamse Cabdi Barre ayaana xaqiijinaya in ay galeen in ka badan 57 hishiis oo lala saxiixday dowlado dano kala duwan ka leh dalka, waxaana ugu halista badnaa hishiiskii Xabashida lagu siiyay Badda Soomaaliya, iyo kii Turkiga loogu beylihiyay kheyraadka waddanka.
Marka laga yimaado duullaanka uu Xasan Sheekh kusoo qaaday wilaayaadka islaamiga ah, waxa uu mudada uu xilka jooga dalka dhaxalsiiyay dagaal beeleed aan dhammaad laheyn, laga soo billaabo woqooyiga illaa Koonfurta dalkana ay maanta si isku mid ah uga hurayaan dagaallada salka ku haya aanada qabiil, hal heeskii beenoobay ee ahaa Soomaali hishiis ah dunidana la heshiis ah ayuu ubadalay colaad iyo kala fogaansho.
Dib udoorashada Xasan Sheekh, waxa ay dhanka kale fursad horleh u aheyd Yahuudda iyo Mareykanka, waxaana dhacay dabaal-degyo ay dhigeen oo ay ku cabariyaan sida ay ugu faraxsan yihiin soonaqashadiisa, safarkii ugu horreeyay ayuuna Xasan ku tagay dalka Imaaraatka Carabta, oo ah dowlad u ololeysa caadiyeynta xiriirka Yahuudda.
Waxa uu Xasan Sheekh Dowlad u aqoonsaday Kayaanka Sahyuunidda ee xoogga ku heysta dhulka Falastiin, isagoo horay dhulka Soomaali-galbeed si gaar ah magaalada Jigjiga uu sheegay iney Xabashidu leedahay, Itoobiyana ay kala dhaxeyso amni iyo wada noolaansho.