War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika, ayaa lagu xaqiijiyay in diyaarad nooca dagaalka ah uga burburtay qeybo kamid ah koonfurta Soomaaliya.
Qoraalka lagu baahiyay barta X ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay MQ-1C ay uga burburtay koonfurta Soomaaliya, 12:40 duhurnimo Shantii bishan November.
Africom waxay sheegtay in baaritaannada horudhac ah ay muujinayaan in burburka diyaaradda aaney ku imaan gantaallo dhulka looga soo tuuray, sidaasoo ay tahayna ay weli wadaan baaritaanno xoogan, natiijada kasoo baxana ay warbaahinta la wadaagi doonaan.
Dhawaan ayay ahayd markii deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ay kusoo dhacday diyaarad nooca duqeymaha fuliya ah oo ay gantaallo ku rakibanyihiin, waxaana dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ay xaqiijiyeen in diyaaraddu leedahay Maraykanka.
Dowladda Maraykanka ayaa duullaan qaawaan waxay ku joogtaa Soomaaliya, diyaaradahdeeda gantaallada sida ayaana duqeymo aan loo meel dayin ka fuliya deegaannada nabdoon ee dadka shacabka ah deganyihiin, taasoo marar badan keentay iney ku dhintaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.