Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa farriin hanjabaad ah udiray dadka ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed ee ay iyagu gumeystaan.
Abiy Axmed oo ah ra’iisal wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya oo khudbad ujeedinayay xubno katirsan dowladdiisa, ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday dadka ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida.
Waxa uu tilmaamay in dhulka Soomaali-gaalbeed uu 50 illaa 70 sano uu ahaa gobal aan nolol heysan oo cadiban, kahor maamulkoodana aysan helin wax xurriyad iyo nabad galyo ah sida uu hadalka udhigay.
Waxyaabahaas uu sheegay ayuu Abiy tilmaamay in haddii ay xajisan waayaan uu masiirkoodu mugdi gali doono, isagoona ugu hanjabay inuu ka qaadi doono waxa uu xurriyadda ku sheegay.
Colaaddii ka jirtay gobalka ayuu ku hanjabay iney dib usoo noqon doonto, haddii ay isku dayaan iney dagaallamaanna aysan hurdo ladi doonin, haddii ay ku faani waayaan Itoobiyaannimadana ay madaxa kaga istaagi doonaan sida uu hadalka udhigay.