Qoyska ka arrmiya dhulka Xarameynka ee uu haatan majaraha u hayo dhaxal-sugaha maamulkaasi Muxamad IbNU Salmaan, ayaa xabsiga u taxaabaya nin muuqaal laga duubay isagoo gaari saaran islamarkaana qoriga ay caruurtu ku cayaaraan si gaar ah xilliyada ciidaha.
Meesha ay arrintan ka dhacday ayaa ah gobolka Riyaad, waxaana ninkan gacanta ku dhigay ciidamada Booliska ee Riyaad.
Qolyaha qaabilsan amiga guud ee Sucuudiga ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ninkan lasoo qabtay loo gudbiyay xeer ilaalinta dalkaasi.
Maamulka Aala-Sacuud ayaa ninkan u aqoonsaday dembiile hub banaanka lasoo istaagay, xilli dhulkaasi sharafta badan ay si xoriyad ah hubkooda ugu dhexwataan ciidamo Ameerikaan ah oo ay uyeeratay Boqortooyada Sucuudiga.
Arrintan ayaa muujineysaa waxa kasocda Xarameynka iyo halka ay gaarsiiyeen dadka ku nool dhulkaasi, oo ay haatan mareyso in hub u eke Caalamka oo dhan la isaga dhuufiyo iyaga lagu xirayo, waxayna arrintani kamid tahay ajdayaasha ay fulintooda ku raali gelinayaan reer galbeedka, si uu arko halka ay marayaan iyo iney dhaqan geliyeen awaamirtii uu siiyay.