Mid kamid ah Wakaaladaha wararka ee laga leeyahay dalka Ruushka oo soo xiganeysa, war kasoo baxay hay’adda qaablisan ammaanka Ruusha ayaa sheegtay, in mid kamid ah diyaaradaha qumaatiga ku kaca ee nooca loo yaqaan Helicopter-ka ah ay afduuban rabtay xukuumadda Ukraine, hase ahaatee ay ku fashilantay isku daygaasi.
Weerarkan ayaa ahaa mid casri ah oo la rabay xagga intarnet-ka in laga fuliyo, si diyaaradda Millateriga ee Ruushku leeyahay loogu afduubo dhanka Ukraine.
War kasoo baxay wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa waxaa lagu sheegay, in Dowladda dalkaasi ay heshay intii ay ku gudaha jirtay howlgalka ay ku badbaadsaneysay diyaaraddeeda, xogo usuurageliyay iney duqeyso saldhigyo ay leeyihiin ciidamada cirka iyo dhulka ee xukuumadda Kyiv.
Weerarkan ayaa ah mid noociisu cusub yahay, wuxuuna imaanayaa xilli ay dowladaha Ruushka iyo Ukraine ku jiraan dagaal socday muddo badan oo ay labadu ka dhaxleen khasaarooyin kala duwan.