Kalimad maqal iyo muuqaal ah oo uu jeediyay Abuu Cubeyda, oo ah afhayeenka garabka milliteri ee Cizzudiin Al-Qassaam, ayaa shaaca ka qaaday in tiro hogaamiyaal ah oo katirsan Muqaawamada ay ku baxeen dagaalkii weynaa ee Dhuufaanul Aqsaa.
Hogaamiyaasha uu Abuu Cubeyda ku dhawaaqay in lagu dilay dagaalladii Yahuududu kusoo qaadeen Qazza waxaa kamid ah hogaamiyihii guud ee Cizzudiin Al-Qassaam Abuu Khaalid Muxamad Ad-Deyf, oo ahaa hogaamiyaha qorsheeyay howlgalkii Dhuufaanul Aqsaa.
Waxaa sidoo kale ragga lagu dhawaaqay dilkooda kamid ah hgoaamiyihii liwaaga Khaan Yoonis ee Cizzudiin Al-Qassaam iyo hogaamiyaal kale oo dhowr ah.
Abuu Cubeyda ayaa ku goodiyay in dilka Ad-Deyf iyo ragga lamidka ah aaney marnaba wax saameyn ah ku yeelan doonin, halganka ay kula jiraan Yahuudda xooga ku heysata dhulka Filastiin.