Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan xilli Mareykanka uu sheegay inuu joojiyay in ka badan 100 Milyan oo Doollar oo ay ku taageeri jireen Dolwadda Fedaraalka.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Mareykanka sheegtay iney gabi ahaanba joojineyso dhaqaalaha ay dibadda ku bixiyaan, ayaa waxaa isa soo tarayay cabashada ay muujinayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Lacag dhan 125 Milyan oo Doollar ayaa lasoo warinayaa in Mareykanku uu sannadkaan ka jartay Dowladda Fedaraalka, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay Dowladda Fedaraalka.
Askarta ayaa waxa ay sheegeen in mushaarkii lasiin jiray uu aad uga soo daahay, waxaana muuqaallo laga soo duubay ay muujinayaan, iyagoo la hadlaya sharikadaha isgaarsiinta, si ay uga yeeraan farriimaha ay soo direen oo ay tilmaameen iney moodayaan mushaarkii oo usoo dhacay.
Geesta kale shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in ay cabsi weyn ka qabaan dilal iyo dhac baahsan oo ay kala kulmaan ciidamadaan mushaar la’aanta ka cabanaya oo ay kol horaba dhibaatooyin ugu qabeen.