M-23 waa dhaqdhaqaaq hubaysan oo ka jira bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, wuxuu inbadan kasoo dagaalamayay dalkaas, waxaana sanadkii 2012-kii mar kale dibloosoo cusbonaysiiyay kooxdan hubaysan ayadoo markan loo bixiyay magaca M-23, kaddib markii uu fashilmay heshiis 2009-kii ahaa oo u dhexeeya dawladda iyo kooxdan, waxaana lagu tilmaamaa garab hubaysan oo kasoo jeeda qowmiyadda Tutsi, kuwaas oo hoggaamiyayaashooda ay wajahayaan eedeymo ah in ay xiriir la leeyihiin dowladda Rwanda.
Kaddib bilo ay gacanta ku hayeen dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Waqooyiga Kivu ee bariga Kongo, dhaqdhaqaaqan waxa uu la kulmay guuldarooyin ba’an 2013-kii, kaddibna waxa uu si xooggan u soo shaac baxay 2021-kii illaa 2023-kii.