Dalka Suudaan waxaa wali ka soconaya dagaallada culus ee u dhexeeya milltariga dalkaas ee uu hogaamiyo C/fataax Al-Buhraan iyo maleeshiyaadka RSF ee uu horkacayo Maxamed Xamdaan Qoqlo.
Dagaalka ayaa marba marka ka dambeysa kasii daraya, iyadoo dadka ubadan badan ee ku dhinanaya ay yihiin kuwa rayidka ah ee ay ku dul dagaallamayaan dhinayacdaan is haya.
Millatariga xukuumadda Suudaan ayaa saacadihii lasoo dhaafay kordhiyay, duqeymaha uu ka geysanayo qeybo kamid ah dalkaaas ee ka dhanka ah maleeshiyaadka RSF.
Duqeymaha ayaa waxa ay qaarkood ka dhaceen mandoqadda Khartuum Baxri ee dhacda woqooyigaa magaalada caasimadda ah ee Al-Khartuum, iyo magaalada Al-Faashar ee galbeedka dalkaaas.
Ila wareedyo dadka deegaanka ah ayaa waxa ay sheegeen, in diyaaradaha dagaalka ee xukuumadda Suudaan ay duqeymo xooggan ku garaaceen, fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka RSF, halka kooxduna ay rideysay madaafiic ka dhan ah ciidanka millatariga.