Fallaagada M-23 ee dagaalka kula jirta ciidamada Huwanta ah ee ka dagaallamaya dalka kongo, ayaa shalay galabkii la wareegtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Goma oo dhacda Bariga wadanka Kongo.
Dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladan oo ah tan ugu bariga dalkaasi, ayaa waxaa askarta dowladda Kongo lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo wararku ay tilmaamayaan in dagaalladii maalimihii lasoo dhaafay halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 100 ruux, dhanka kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaan kun qof oo kale, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee France presse, oo xogta ay bixisay ku tiirsan tahay warbixinada ay ka heshay isbitaallada.
Dhaqtar ay la xiriirtay wakaalladan ayaa sheegay, in meydad aan wali lasoo qaadin ay dhexyaallaan magaalada, kuwaasoo uu tilmaamay ineysan suuragal ahayn soo qaadidooda, marka loo fiiriyo xaaladda magaalada oo ah mid dagaal.
Sababaha keenay in meydadku dhex daadsanaadaan magaalada ayaa lagu sheegay iney tahay, isbtitaalladii oo dhawacyo la buuxsamay.
Kooxda M-23 ayaa Axaddii sheegtay iney la wareegtay magaalada Goma, hase ahaatee warkaas lama helin cid iga ka madax banaan oo xaqiijisa, balse warka warbaahintu tebineyso ayaa ah iney iney si dhameestiran ula wareegeen garoonka diyaaradaha magaalada, ayna isku dhiibeen askar katirsan ciidanka Kongo oo kor udhaafaya 1,200 [kun iyo labo boqol] oo askari, kuwaaso saldhig kulaahaa garoon u gaar ah UN-ka oo halkaasi ku yaalla.