Cali Wajiis oo kamid ah wadaadaha u fatwooda ciidamada Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka, ayaa fallaago ku tilmaamay Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ee kasoo horjeeda Xasan Sheekh Maxmuud.
Isagoo ka hadlayay khilaafka soo kala dhexgalay maamullada Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah iyo Dowladda Federaalka, ayuu Cali Wajiis sheegay in ciddii ka hortimaada Dowladda Federaalka ay fallaago tahay.