C/raxmaan Cirro oo ah madaxweynaha maamulka la baxay Soomaliland iyo Muuse Biixi oo ah hogaamiyihii hore ee xilka ka tegay, ayaa dhamaantood safar ugu amba baxay wadanka Imaaraat-ka Carabta, si rasmi ahna looga oga qorshaha ka dambeeya safaradooda.
Labada hogaamiye ayaa waxaa safar ku horreeyay cirro, oo la sheegay iney diyaarad gaar ah usoo dirtay xukuumadda Imaaraat-ka, halka Muuse Biixi oo shalay safrayna uu sheegay, iney ubaxayo dan isaga u gaar ah.
Intaasoo aad loo qarinayay safarka Cirro hadane waxay dadku is waydiinayaan waxa kulmiyay safarada labadan hogaamiye ee midna xilka ka degay mid kalena uu haatan kursiga ku fadhiyo.