Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegay, in ciidankiisu ay noqdeen kuwii ugu badnaa ee Shisheeyaha laga dilo Soomaaliya.
Isagoo magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya kula hadlayay siyaasiyiin Xabashi ah, ayuu ra’iisal wasaaraha xukuumada Adis Ababa Abiy Axmed ka dhawaajiyay, in ciidankooda ay yihiin kuwa ugu badan ee Shisheeyaha looga dilo Soomaaliya.
Kumannaan kamid ah ciidamadooda ayuu tilmaamay in lagu dilay Soomaaliya, waxaana isagoo ka jawaabayay hadalkii kasoo baxay Dowladda Fedaraalka ee ahaa in ciidankooda aysan kamid noqon doonin howlgalka cusub ee Shisheeyaha uu Abiy Yiri:
“Ciidamada ugu badan ee lagu dilay Soomaaliya waa ciidamadeena Itoobiya waxaa la dilay iyagoo difaacaya dowladda Soomaaliya ee hadda oranaysa iska baxa taasina ma ahan wax suuragal ah”.