Wararka ka imaanaya gobalka Sh-hoose ayaa ku waramaya, in weerar kamiin ah oo dhaliyay khasaare kala duwan lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Weerarka ayaa waxaa ciidanka lagula beegsaday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarkaas, halka lagu dhaawacay mid kale, iyadoo lagu furtay 2 qori oo AK-47 ah.
Sidoo kale waxaa xalay la weeraray, saldhigga askarta asarta Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin buundada yar ee degmada Qoryooley oo katirsan isla Sh-hoose.