Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaAskar Itoobiyaan ah oo Lagu Dilay Dagaal ka Dhacay Bardaale iyo Howlgallo...

Askar Itoobiyaan ah oo Lagu Dilay Dagaal ka Dhacay Bardaale iyo Howlgallo kala Duwan oo ka Dhacay Sh/Hoose iyo Gaarisa.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta fuliyay weeraro isugu jira qaraxyo iyo dagaal toos ah, oo ka kala dhacay gobollada Baay iyo Sh/Hoose.

Haddii aynu ku hormarno Baay, Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay maanta dharaar cad weerar ku ekeeyeen, xerada ciidanka Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Bardaale ee gobolkaasi.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay 3 askari oo Itoobiyaan ah, halka lagu dhaawacay 4 kale.

Shabeellaha Hoose qaraxyo maanta ka dhacay waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Uganda oo ku socdaalayay inta udhaxeysa Buufoow iyo Shalaanbood.

Qaraxa koobaad ayaa lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Uganda oo ku socdaalayay, afaafka hore ee degaanka Buufow, waxaana halkaasi looga dilay 4 askari oo ay ku jiraan 2 sarkaal oo miino baarayaal ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 asakri oo kale, gaari Taaw ahna waa laga gubay.

Qarax kale oo lala eegtay askar Yugaandhees ah oo lugeynayay ayaa ka dhacay, inta udhaxeysa degaanka Shalaambood iyo buufow, waxaana ku dhintay 1 askari oo Yugaandhees ah.

Dhanka kale, gobolka Gaarisa ee ku hoos jira gumeysiga Kenya, waxaa ka dhacay dagaallo lagu qaaday xerooyin ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaano katirsan gobolkaasi.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dhowr bari ka hor weerar ku qaadeen, saldhig millateriga Kenya ku leeyahay degaanka Eegeey ee udhow Dhadhaab oo kamid ah gobalka Gaarisa, waxaana weerarkaasi ku dhintay 1 askari oo Kenyaan ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sido kale waxaa gubay labo Teeno oo sahay utiillay ciidamada Kenya oo saldhigga ka dhex dhisnaa.

Sidaasi si lamid ah ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerareen, xero ciidanka Kenya ay ku leeyihiin, degaanka Kiwaanga ee hoostaga degmada Faafi ee gobalka Gaarisa, waxaana la sheegay in weerarkan uu khasaare ka dhashay hase ahaatee nama soo gaarin faahfaahin intaasi ka dheeri ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa maalihii lasoo dhaafay sii laba jibbaaray, weerarada ay la beegsanayaan shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments