Sunday, November 17, 2024
HomeWarka GudahaInkabadan Toban Askari oo Yahuudda Looga Dilay Wuqooyiga Qazza.

Inkabadan Toban Askari oo Yahuudda Looga Dilay Wuqooyiga Qazza.

Wararka ka imaanaya Marinka Qazza ee go’doonsan, gumaadkana la kulmaya ayaa ku waramaya, in halkaasi lagu dilay tiro ciidamo Yahuud ah, oo ku howlanaa gumaadka Muslimiinta.

Weerar ay Kooxda Muqaawamada Cizzudiin Al-Qassaam ka fulisay, magaalada Beyt Laahiya ee wuqooyiga Qazza, ayay ku dishey ugu yaraan 15 askari oo katirsan ciidamada Yahuudda.

Garneelka garabka laga tuuro ee RBG ayaa lala dhacay ciidamad Yahuudda, xilli ay ku howlanaayeen dhibaateynta Muslimiinta, waxaana markaasi kadib dhacay weerar fool kafool ah oo u dhexeeya Muqaawamada iyo askarta Yahuudda.

War kooban oo kasoo baxay garabka milliteri ee Cizzudiin Al-Qassaam, ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay geeri ku hubsadeen 15 askari oo Yahuud ah, kuwaasoo ku sugnaa magaalada Beyt Laahiyah, oo dhacda kaabiga deegaannada xeyndaabka Qazza ee ay Yahuuddu xooga ku heystaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments