Duqeymahan oo ahaa kuwo saacado gudahood dhowr jeer soo laa laabtay, ayaa dhacay magaalada Sancaa’ ee caasimadda Dalka Yaman oo ay kooxda Xuuthiyiintu gacanta ku hayaan, waxayna beegsadeen saldhiyo iyo bakhaaro lagu keydiyo kubka oo ay leedahay kooxda ay Iiraan taageerto.
Meelaha ay ku dhaceen gentaallada ay tuureen Mareykanka iyo Ingiriiska waxaa kamid ah, saldhigga Jarbaan ee ku yaalla degmada Sanxaan ee dhaca Koonfur Bariga magaalada Sancaa’.
Saldhiggan ayaa waxaa degan ciidamada Jugta culus ee malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo ay wehliyaan, khubaro kasocda ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan, maadaama ay xukuumadda Shiicda ah taageerto.
Sido kale saldhigga Al-Xafaa ee ku yaalla Koonfta magaalada caasimadda ah ayaa isaga labo jeer saacado gudahood la duqeeyay.
Saldhiggan ayaa sida caadiga ah hadaf u ah duqeymaha mar waliba lag geysto magaalada Sancaa’ wuxuuna leedahay godad ku dhexyaalla buuro, kuwaasoo jiray xattaa xilligii uu Cali Cabdallah Saalax madax ka ahaa dowaladda yaman, waxaana degan kooxda Xuuthiyiinta iyadoo sido kale ay halkaasi ku wehliyaan khubaro ka socda ilaalada Kacaanka Iiraan, halkaasi waxaa lagu sameeyaan gentaallada iyo diyaaradaha Drones-ka ay adeegsadaan Xuuthiyiinta.