Askarta Suudaan ayaa Barqanimadii maanta duqeeyay suuq la buuxay oo ku yaalla magaalada Niyaala ee katirsan gobolka Daar-Fuur ee wadanka Suudaan, waxaana duqeyntaasi ay gallaafatay nolosha dad badan, halka qaar kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Goob joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in duqeynta lagu dilay in kabadan 188 qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen 48 kale.
Magaalada ay duqeeyeen ciidanka dowladda Suudaan ayaa waxaa gacanta ku haya, malleeshiyaadka RSF ee taageerada ka helaya xukuumadda Imaaraadka Carabka, gumaadka joogtada ahna ku haya dadka ku nool wadankaasi.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay duqeymo ka dhacaan dalka Suudaan, ciidanka Suudaan iyo kuwa malleeshiyaadka RSF ayaana dhamaantooda dhibaato ku haya shacabka Suudaan, walow ay daran tahay tan uga imaaneysa dhanka malleeshiyaadka RSF.