Duqeymahan oo ahaa kuwo xiriir ah ayaa dhacay saacadihii lasoo dhaafay oo ay ugu dambeysay, subaxnimadii Axadda ee maanta, waxayana beesadeen guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla jihada Koonfureed iyo tan Bari ee wadanka Lubnaan.
Meelaha Yahuudda ku duqeysay Saakay waxaa kamid ah, labo mandiqadood oo lagu kala magacaabo jirmaash iyo Qalad AS-Sabaca, oo dhaca meel udhow xad-beenaadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Suuriya.
Halkaasi wuxuu maamulka kayaanka Sahyuunigu ka geystay sedax duqeyn, sido kale diyaaradaha dagaalka ee Yahuuda waxay duqeeyeen magaalooyinka Mashuqara iyo Saxmar ee wadanka Lubnaan.
Wasaaradda Caafimaadk ee Lubnaan ayaa sheegtay, in duqeymaha ka dhacay Bariga iyo Koonfurta wadankaasi lagu dilay 33 ruux, halka lagu dhaawacay tobanaan kale.
Gumaadka ay Yahuuddu ka waddo dalka Lubnaan waa mid aan kala joogis lahayn, waxayna si toos ah duqeymaha ula beegsaneysaa dadka shacabka ah iyo kuwo caafimaadka ee ugurmanaya haddii ay wax gaaraan.