Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaRuushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Duqeymo Xaga Cirka ah.

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Duqeymo Xaga Cirka ah.

Xukuumadda Ukraine ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsatay diyaarado Drones ah ay ku qaadday, wershad kubka soo saarta oo ku taalla bartamaha dalka Ruushka, weerarkaasi ayaana dhacay habeen hore.

Mas’uul amni oo u hadlay Ukraine ayaa wakaadda wararka ee Reuters usheegay, in ay beegsadeen wershadda hubka iyo sameysa ee lagu magacaabo Aliksiniski ee ay leedahay Dowladda Ruushka, taasoo soo saarta hubka noocadiisa kala duwan oo ay ku jiraan maadooyinka qarxa.

Wershaddan ayaa ku yaalla mandiqadda Tula, oo masaafo dhan 200 KM ka fog caasimadda Ruushaka ee Mooskoow, wuxuuna mas’uulka uwarramay Reuters sheegay, in weerarkan ay ka fuliyeen Tula oo qeyb ka yahay, istaraatiijiyad ay ku bartilmaameedsanayaan wershada Ruushka ee sameeya hubka, kuwaasoo dagaalka iyo sii socoshadiisa qeyb laf-dhaar u ah.

Sarkaalkan u hadlay Ukraine ma uusan sheegin, wax khasaare ah oo weerarkan kasoo gaaray Ruushka.

Dhinaca kale, dowladda Ruusha oo dhankeeda hadashay waxay sheegtay, in 50 diyaaradood Drones islamarkaana ay leedahay xukuumadda Ukraine kusoo ridday, 7 mandiqadood oo kamid ah Ruushka, waxayna arrintani dhacday isla habeen hore markii ay Ukraine weerartay Ruushka.

Gessta kale, xukuumadda Ruushka ayaa dhankeeda habeen hore weerar ku qaadday, dekadda istaraatiijiga ah ee Odiisaa oo ku taalla Ukraine,

Gudmooyiaha mandiqadda Odiisaa oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay, in Ruushku dekadda  kusoo weeraray diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ah, weerarakan ayaana waxaa ka dhashay khasaare  isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Isagoo hadlkiisa sii wata gudoomiyahan ayuu ka hadlay, khasaaraha kala duwan ee ka dhashay weerarka wuxuuna sheegay, 1 ruux oo ku dhintay 13 kale oo cunug yar ku jirana ku dhinteen.

Sido kale waxaa weerarkan ku burburay dhismaayaal isugu jira kuwo ganacsi iyo kuwo la degan yahay, iyo gawaari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments