Malleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa xalay ku dhawaaqay iney diyaarado Drones ah iyo gentaallo ku weerareen, Markab xambaaraha diyaaradaha oo ay leedahay Dolwadda Mareykanka, wuxuuna weerarkan ka dhacay jihada Waqooyi ee badda Cas.
Markabka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Hari Tormaan, waxay Xuuthiyiinta Shiicada ah sheegeen inuu markabkan ay weerareen markii sideedaad tan iyo intii uu soo galay badda Cas.
Dhan kale, warbaahinta taabacsan kooxda Xuuthiyiinta ayaa saakay aroor hore sheegay, in 4 duqeyn oo dhanka cirka ah ay ka dhaceen caasimadda wadanka Yaman ee Sancaa, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan malleeshiyadan.
Ma aysan faahfaahin warbaahinta Xuuthiyiinta haddii ay jiraan khasaarooyin ka dhashay iyo in kale, illaa iyo haatanna ma anan helin xog ka baxsan inta ay sheegeen oo la xiriirta weerarkan.