Maaalintii shalay weerar abaabulan oo nafta lagu dhaafiyay labo qaadi oo katirsan maxkamadda Sare ee xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, ayaa ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda u ah wadankaasi Dhahraan.
Weerarkan ayaa waxaa fuliyay qof hubeysan oo rasaas ku furay labada qaadi, xilli ay ku suganaayeen dhismaha maxkamadda sare ee ku yaalla caasimadda Iiraan, waxayna rasaastaasi sababtay iney naftooda ku waayaan, waxaana sido kale dhaawac soo gaaray qof kale oo la isku qilaafay cidda uu yahay.
Wararka qaar waxay sheegayaan inuu yahay qaadi sedaxaad, halka xog kale ay sheegeyso inuu ahaa mid kamid ah ilaalada labada qaadi midkood.
saraakiishan sar sare ee laga dilay dowladda Iiraan, ayaa lagu kala magacaabijiray, Cali Raazaani iyo Maxamad Muqeysat, waxaan dhimashadooda xaqiijisay xukuumadda Dhahraan.
Mid kamid ah labada qaadi oo ah Cali Raazaani raasaasi wuxuu ahaa nin mar waliba soo saara xukunnada qallafsan ee dhanka ah mucaaradka Iiraan, wuxuuna horay isku day dilay uga badbaaday sanadkii 1999-kii, isagoo sido kale hora sanadkii 1988-dii soo saaray xukun lagu laayay dad badan.
Ninkan ayaa aad loo doon doonayay, waxayna shalay noqotay maalintii ugu dambeysay nolosha Aduunyada, kadib sanado badan oo uu qeyb ka ahaa leynta dadka ay sida wadarta ah u xasuuqdo dowladda Iiraan.
Labada qaadi ee la dilay wuxuu mid aan haatan sida gaar ah uga warranay wuxuu mas’uul ka ahaa faraca 39 ee maxkamadda sare, halka midka kalena uu madax ka ahaa faraca 53-aad ee maxkamadda.
Iiraan waxay weerarkan ku tilmaamtay mid argagaxiso, ninka fuliyay weerarkan ayena wararku shegayaan inuu is dilay sida hadalka loo dhigayo.
Majirto cid sheegtay mas’uuliyadda weerarkan illaa iyo hadda, waxaysa Iiraan dagaal kula jirtaa dhinacyo badan.