Kooxda Ad-Dacmu As-Sariic ee dagaalka kula jirta xukuumadda Suudaan, ayaa caadeysatay xasuuqa shacabka Suudaan.
Maalintii shalay oo Sabti ahayd waxay labo weerar oo ay dad rayad ah ku gumaadeen ka geysteen tuulooyin ku yaalla gobollada Al-Jaziira iyo An-Niil Al-Abyadh.
Tuulada Al-Qudheyna oo katirsan gobolka An-Niil Al-Abyadh ee dhaca Koonfurta Suudaan, waxay malleeshiyada RSF ku dileen 12 qof, tobanaan kalena way dhaawaceen oo ay kamid yihiin kuwo dhaawacyo halis ah soo gaareen.
Sidaasi si lamid ah waxay isla shalay weerar kale ku qaadeen magaalada Abu Cashar ee dhacda Waqooyiga gobolka Al-Jaziira ee bartmaha dalka Suudaan, halkaasina waxay ku dileen ruux, tobanaan kalena way dhaawaceen.
RSF ayaa taageero ka hesha dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna hubka la siiyo ku leysaa shacabka Muslimiinta ah ee Suudaan.