Waxaa Marinka Qazza ka dhaqangalay daqiiqado kahor, heshiiska Xabad-joojinta ee dhawaan dhexmaray Kooxaha Muqaawamada Filastiin iyo maamulka Yahuudda.
Durba waxaa ka billowday deegaannada kala duwan ee Marinka Qazza, dabaaldegyo farxadeed oo ay dhigayaan dadka Muslimiinta ah.
Ciidamada Yahuudda ayaa intooda badan xalay waxay ka baxeen, deegaannada ay dadka shacabka ah degnaan jireen, ee koonfurta, bartamaha iyo Wuqooyiga Qazza.