Dagaal udhaxeeyay ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo malleeshiyo katirsan kuwa Macaawisleyda, ayaa ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Malleeshiyada Macaawisleyda ayaa habeenki xalay gudaha ugalay xarunta maamulka degmada Matabaan halkaasi oo ay weerar ku qaadeen, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalkan.
in kastoo dagaalku dhacay hadane waxaa wali degmada ka taagan cooladda udhaxeysa labadan dhinac iyo xiisad la xriirta, malleeshiyadan oo isa soo urursaday ayaana sababaha ay weerar usoo qaadeen lagu sheegay, iney waayeen xil ay ka rabeen maamulka degmada.
Malleeshiyadan wali waxay joogan gudaha Matabaan dadka ku dhaqan halkaasi waxay ka cabsi qabaan iney mar kale ku dhex dagaallamaan oo ay wax yeello kasoo gaarto.