Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaItoobiya oo Markale Dad Rayid ah ku Dishay Gobalka Amxaarada.

Itoobiya oo Markale Dad Rayid ah ku Dishay Gobalka Amxaarada.[DHAGEYSO]

Diyaaradaha Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale dad rayid ah ku laayay duqeymo ay ka geysteen gobalka Amxaarada.

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeymo culus oo ay markale diyaaradaha dagaaalka ee Dowladda Xabashida Itoobiya ka geysteen gobalka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya.

Caruur iyo haween uur leh ayaa lasoo sheegayaa iney ku waxyeeloobeen duqeymahaan oo ay diyaaradaha Itoobiya ka geysteen, degmada Ajfeer ee woqooyiga Gojam oo katirsan gobalka Amxaarada.

Sidoo kale diyaaaradaha ayaaa 3 jeer oo is xig xiga waxa ay duqeymo ka geysteen deegaanno hoostaga degmada Durbeyt ee woqooyiga Gojam, kuwaas oo beegsaday suuqa weyn ee degmada, dugsi sare iyo xarun xaafimaad oo halkaasi ku tiillay, waxaana hey’ad sheegata xuquuqda aadanaha ee Itoobiya ay tilmaamtay, in dad badan ay ku dhinteen duqeymahaan.

Halkaan ka Degso Warka Duqeymaha Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments