Waxaa wali gubanaya magaalada Los Angeles iyo qeybo kale oo kamid ah gobolka Kaliforniya ee dhulka Mareykanka, iyadoo wararku ay tilmaamayaan in ku dhawaad labo boqol kun oo qof ay wajahayaan la xiriira dabkan iyo duufaannada iswata.
Marka laga hadlayo dhanka Khasaaraha ka dhashay dabka ee gaaray magaalada Los Angeles waxay dhimashadu Mareysa 27 ruux dad aan ka yareyn, halka la sheegay iney ku burbureen 12,000 [labo iyo toban kun] oo guri.
Boqolaal kun oo dad ah ayaa ka barakacay dabkan halka haatanna kumanaan kale ay la nool yihiin cabsi la xiiriirta dabkan sii baahaya.
Dhinca kale caqabada haysta dadka Ameerikaanka ah marka laga hadlayo dabkan waxaa kamid ah, ineysan dadkii qaxay xattaa haddii ay dib usoo laabtaan aysan jirin meel ay degaan, maadaama guryahoodii inta badan ay dhulka la sinmeen, kuwa wax uun ka hareenna aysan lahayn wax nacfi ah adeegyadii loo baahaanaana aan aaggooda laga helayo.