Dagaallo aad u xooggan ayaa wali ka dhex holcaya dowladaha Ukraine iyo Ruushka, kuwaasoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, dhul iyo cirna la iska weerarayo.
Dirirta ugu wayn halka ay kasocoto waa mandiqadda Kuursuk ee katirsan wadanka Ruushka, taasoo ciidanka Ukraine markii hore ku qabasadeen dagaal, balse haatan ay xukuumadda Mooskoow sheegeyso iney soo ceshatay 63%.
Maalmihii lasoo dhaafay dagaallo ka dhacayay mandiqaddan ayey xukuumadda Kyiv sheegtay iney kusoo qabatay 27 askari oo Raashiyaan ah.
Dhanka kale dowladda Ruushka ayaa iyaduna waxay Ukraine ku qaadday weerar loo adeegsaday 55 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kuwaasoo bartilmaameedkoodu ahaa goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Ukriane.
34 kamid ah diyaaradahan Drones-ka ah ayey Kyiv dhawaaqday iney soo ridday halka sheegtay ineysan hadafkooda gaarin waa sida ay hadalka udhigtaye.
Weerarkaasi kadib waxay xukuumadda Mooskoow dhanka Ukraine mar kale usoo dirtay 50 Drones ah, kuwasoo 33 kamid ah ay sheegtay mar kale Kyiv iney soo ridday.
Wax khasaare ah oo ka dhashay weeraradan lama soo tebin inta la ogyahay, waxayna howlgallada noocaan ah noqdeen kuwo joogto ah.