Cabdullaahi Ciise Ibraahim, oo ah maxbuus katirsan ciidamadii Kenya ee lagu qabtay dagaalkii Ceel-cadde, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay ehelladiisa, kuwaasoo dalbaday in laga shaqeeyo sii deynta maxbuuskan.
Qadro Cabdullaahi oo ah gabar uu dhalay maxbuuskan katirsan ciidamada Kenya, ayaa codsi u dirtay madaxweynaha Kenya, kaasoo ku aadan inuu ka shaqeeyo sidii aabaheeda dib loogu soo celin lahaa gurigooda.
Dhawaan ayay ahayd markii Cabdullaahi Ciise Ibraahim, uu kasoo muuqday muuqaal baahiyaha Al-Kataa’ib Al-ikhbaariyah, isagoo tilmaamaya in dowladda Kenya ay dayacday, ayna u baahanyihiin in laga shaqeeyo sidii dib loogu celin lahaa dalka Kenay.