Xamse Cabdi Barre, oo ah ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka, ayaa ka marqaati kacay in dalka Soomaaliya uu wajahayo halis la xiriirta jiritaankiisa, oo laga yaabo in la kala qeybiyo.
Wuxuu sheegay in hannaanka maamul ee dalka xilligan ka jira, aaney Soomaali maskaxdeeda ka imaan, balse ay dadyow kale dejiyaan, xilligan la joogana ay suurogal tahay in dalku si fudud u kala jabo.
Wuxuuu sheegay in xuduudaha wadanka ay dhamaantooda ballaqanyihiin, qof welibana uu meel uu si iskiis ah uga taliyo, taasoo jiritaanka dalka Soomaaliya halis gelin karta.
Wuxuu sheegay in dunida ay kasoo dhamaatay ilaalinta wayxaabihii ay horey ugu heshiiyeen qolyihii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka, waxa ka dhacay Qazzana ay daliil u tahay taasi.